Ganacsigaaga,
si fudud u maamul.
E-Tiri wuxuu akhriyaa SMS-yada lacagaha soo gala, wuxuuna kaa caawinayaa inaad si otomaatig ah u maamusho ganacsigaaga sida iibka, deymaha, macaamiisha iyo alaabta bakhaarka.
WAX YAR QOR, WAX BADAN MAAMUL.

Xogtaada Maaliyadeed marna lalama wadaago cid kale
E-Tiri wuxuu ku dhisan yahay hab security caalami ah.
Diiwaangelin toos Automatic ah
Jooji diiwaangelinta Manual-ka ah.
E-Tiri wuxuu kaa yareynayaa shaqada soo noqnoqota. Marka lacag laguugu soo diro qaar ka mid ah adeegyada kore, App-ka E-Tiri waxa uu isla markiiba kaa caawinaya inaad diiwaangeliso SMS-ka (Fariinta) transaction-kaasi si otomaatig ah.
Macmiilku lacag ayuu diraa
Macmiilku wuxuu lacag kuugu soo diraa adeegga mobile-money-ga aad isticmaasho.
SMS ayaa kuu yimaada
Fariinta lacag-bixintu waxay ku soo dhacdaa telefoonkaaga.
E-Tiri ayaa diiwaangeliya
E-Tiri wuxuu aqoonsan karaa macaamilka oo kaa caawin karaa in xogtaadu si toos ah u cusboonaato.
Habka ganacsiga
Hal meel ku maamulo
Ganacsigaaga oo idil.
Iibka, macaamiisha, deymaha, kaydka, kharashaadka iyo warbixinnada — dhammaantood waxay ku jiraan app-ka aad jeebkaaga ku sidato.



Astaamaha E-Tiri
Wax kasta oo muhiim u ah
lacagtaada iyo ganacsigaaga.
Dhammaan qalabkan waxay ku jiraan hal app oo aad telefoonkaaga kula socon karto meel kasta.
Maamul xogta ganacsigaaga.
E-Tiri wuxuu kaa caawinayaa inaad hal meel ka maamusho iibka, dakhliga, kharashaadka iyo dhaqdhaqaaqa lacagtaada. Looma baahna buugaag badan ama xisaab gacanta lagu hayo.

Loo dhisay Ganacsatada Soomaaliyeed
App fahmaya
ganacsigaaga.
E-Tiri waxaa loo sameeyay habka ay dadka iyo ganacsiyada Soomaaliya u isticmaalaan lacagta maalin kasta — gaar ahaan ganacsiyada yaryar ee aan haysan waqti ay ku maamulaan nidaamyo adag.
Mobile Money
Ganacsiyada yaryar
Deymaha
Alaabta
Iibka
Ayuuto / Hagbad

E-Tiri App
Dhammaan xogtaada
hal meel ku hay.
Ma aha dashboard web ah oo aad miiska ku xirnaato. E-Tiri waa app telefoonkaaga kugu jira — xogtaada waxaad la socon kartaa markaad dukaanka joogto iyo markaad waddada ku jirto.
Maaliyaddaada
Ganacsiga oo keliya
ma aha.
E-Tiri wuxuu sidoo kale kaa caawinayaa inaad fahamto dakhligaaga, kharashaadkaaga iyo dhaqdhaqaaqa lacagtaada gaarka ah.

Bilow maanta
Adigu ganacsiga wad.
E-Tiri ha kuu qabto inta kale.
Soo degso E-Tiri oo bilow inaad lacagtaada iyo ganacsigaaga si fudud uga maamusho telefoonkaaga.
E-Tiri Premium
Furo Premium-kaaga si fudud.
Haddii aad haysato Activation Key, waxaad si fudud oo dhameystiran u isticmaali kartaa app-ka. Haddii aad u baahan tahay caawimaad, nagala soo xiriir WhatsApp.
Hel App ID-gaaga
Fur E-Tiri oo ka eeg Settings-ka App ID-gaaga.
Dir khidmada yar
Isticmaal adeegga lacag-bixinta ee lagu siiyay tilmaamaha activation-ka.
Qorshayaasha E-Tiri
Dooro qorshaha kugu habboon.
Ku maamul ganacsigaaga si fudud, otomaatig ah oo aan dhib badan lahayn.
Bil kasta
Ku habboon inaad bil-bil u bixiso.
- Maamulka ganacsiga
- Iibka iyo deymaha
- Akhrinta SMS-yada
Sanadkii
Qiimaha ugu fiican ee sanadlaha ah.
- Wax kasta oo qorshaha bilaha ah
- Warbixinnada ganacsiga
- Kaydka iyo kharashaadka
Forever
Hal mar bixi, weligaa isticmaal.
- Dhammaan astaamaha E-Tiri
- Hal mar oo keliya bixi
- Isticmaal muddo aan xad lahayn
Waxaad dooran kartaa qorshaha kuugu habboon ganacsigaaga.
Su'aalaha
Su'aalaha badanaa nala weydiiyo.
Su'aal miyaad qabtaa?
Nala soo xiriir. Waan ku caawinaynaa.